Xasan Sheekh oo Si Cajiib ah uga Hadlay Dagaalka Farmaajo iyo Rooble

Muqdisho (CNN SOMALI) – Waxaa xoogeysanaya walaaca ay dadka Soomaaliyeed ka qabaan inuu saameyn xun reebo khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Mudane Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Waqatigiisu sii dhammaanaya Mudane Rooble, kaas oo qarka u saaran inuu gaaro gacan ka hadal.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyey Warbaahinta ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Farmaajo uu xiligaan khilaaf iyo qalqal siyaasadeed geliyo dalka, isagoo sheegay inuu aad ugu walwalsan yahay jawiga ay dalka uga qabsoomi karto doorasho.

“Xaaladda dowladda dhexdeeda ka taagan mid sahlan maaha, sida aan ogeynba madaxweynihii hore Farmaajo waakii Mas’uuliyadda amiga iyo doorashada wareejiyey, laakiin nasiib darro madaxweynuhu howshii uu shalay wareejiyey ayuu weli daba socdaa, wax fiicana maaha waxa uu sameynayo,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Mudane Xasan Sheekh ayaa Mudane Farmaajo kula taliyey in howsha socota uu faraha kala baxo, oo musharaxiinta uu ula sinaado, isagoo u sheegay in dalkaan uusan hal qof qalalaase geli karin. “Kiisaa taagan gabar sarkaal aheyd ayaa la waayey oo NISA dishay la yiri, waxaan uu madaxweynuhu sameynayo waxay carqalad ku yihiin in kiiska gabadhaas la baaro, intaasna hal qof ayuu gadaal ku wataa, marka dalkaan iyo hal qof waa kala weynyihiin, shalay ma uusan dhihin mas’uuliyadii amniga waan wareejiyey intaan Nabad sugidda ka aheyn,” ayuu yiri

Wixii soo kordhana kala soco CNN SOMALI

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*