Geeridii Cabdi Muriidi Dheere AJAKIS

Mogadishu ( CNN SOMALI ) Marxuum Cabdi Muriidi Dheere oo loo aqoon ogaa AJAKIS ayaa waxaa uu ku geeriyoooday caasimada dalka Somaliya ee magaalada Muqdishu.

Warkasoo baxay TV ga Universal ee uu ka ahaa barnaamij soo saare ayaa lagu xaqiijiyay geerida marxuum AJAKIS taas oo si toos ah u baahiyay Maki Xaaji Banaadir oo ay wada ahaayeen shaqa wadaag mihnada ka wada dhaxeyso.

Soomaali badan ayaa hadal heesa Majaajiliiste AJAKIS kuwaa oo Tacsi hawada u soo marinayay Barabulshada ee Soomaalida isticmaasho.

Marxuum AJAKIS oo lagu duugay qabuuraha Iskuul Buliisiyo ayaa waxaa aas kiisa soo buux dhaafiyay reer muqdishu oo aan yarkooda iyo wweyn koodaba kala harin iyada oo halkaasi kawada tacsiyadeeyeen dadkii isugu yimid aaska marxuumka

AJAKIS ayaa caan ku ahaa dhinaca duubista tarjumaada af laanta Hindiga ee loo tarjumo Afka Soomaaliga isaga oo qaabil sanaa inuu matalo qeebta ka qosolsiinta ama shactarada.

Intaa waxii ka dambeysay waxaa uu so jiitay indhaha iyo shaashada afka soomaaliga looga hadlo masraxiyadda.

Marka laga soo tago majaajiliistinimada waxaa uu ahaa fanaan leh xirfada fanka oo dabiici ah isaga oo u sahlaneed inuu kumadaaaliyo dadka kaas oo markiisii hore uu bilaabay dhanka madadaalada sanadkii 1996 kii.

Saalax Macalin Cabdulle – Saalax DHeere – ayaa warbaahinta uga hadlay taariikh yar oo kooban oo ku saabsan marxuumkii dhitay sidaa ayuu igu a yiri AJAKIS.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Abwaan Maki Xaaji Banaadir oo isaga na kasoo qeeb galay aaskiisa iyada oo asxaabtii ay wax isla jili jireen dhammaan ay ka wada hadleen oo aan aaskaasi lagu kala harin.

Iayada oo sanadiihii dambe uu aaad uga qosolsiin jiray barnaamijka masraxa furan oo ka bixi jiray isla  tv ga caalamiga ee unnivesal

Erayada lagu xasuusto marka uu barnaamijyada soo deynayo waxaa ka mid ah; “Daawadeyaal”, “I fiirsadayaal”, “ii jeedayaal”, “i daymoodayaal”, “ilaa fool ku taallaa”, “adduunyo ceebaa laga ordaa aakhirana cadaab”, “yaa la aminaa baladkaan” iyo kuwo kale oo badan.

Sidoo kale qaab shakhsi ah ayuu muuqaallo madadaalo ah u soo galin jiray baraha buslhaada ee loo badan yahay, sida Youtube iyo Facebook.

“Anigoo qoslaya ayaan dhimanayaa” ayuu yiri isaga oo si been ah loo galiyay magaalada

Dad badan ayaa baraha bulshada maanta ku faafiyay muuqaal ku saabsan Ajakis oo hadda ka hor ka hadlaya arrimaha la xiriira geeridiisa.
Muuqaalkan oo ah mid qalbiga taabanaya ayuu majaajiliistaha ku sheegayay in uusan ka baqeynin dhimashada, uuna soo dhaweyn doono marka ay tiisa dhammaato.

“Inaan dhimanaayo waan ku faraxsanahay, maalinteyda haddii la ii imaado, walaahi anigoo qoslaayo ayaan dhimanayaa,” ayuu yiri Ajakis oo ka hadlayay sida uu geerida u wajihi doono.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray: “Adduunkan maxaa laga qaadayaa, dhibka yaalla, rafaadka yaalla, silaca yaalla, dulmiga yaalla ayaanba ka nasanayaa, alxamdulillah.”

Muuqalkan ayay kumannaan kun oo qof maanta baaha bulshada iskula wadaagayeen, iyagoo Ajakis u dalbaya in loo wada duceeyo.
Maalmo ka hor intii uu xanuunsanaa Ajakis ayaa mar baraha bulshada lagu faafiyay inuu geeriyooday, walow uu ahaa war been abuur ah.
ALle ha unaxariistee Cabdi Muriidi Dheere AJAKIS waxaa uu ahaa majaajiliiste ay dhalinyarada iyo duqoowdaba jeclaayeen isaga oo la soo hana qaaday burburkii Somaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*