Beesha Caalamka Warbixin kasoo Saartay Khilaafka Madaxweynaha & Reysul Wasaaraha Somaliya

Mogadishu ( CNN SOMALI ) Wadamada iyo hay’adaha daneeya arrimaha dalka Soomaaliya ayaa si wadajir ah uga soo saaray war saxaafadeed khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

War Saxaafadeedka ayaa ugu horeyntii lagu soo hadal qaaday sanadguurada koowaad ee ka soo wareegtay Heshiiskii 17 Sebember iyagoo walaac ka muujiyay khilaafka madaxda dalka u dhexeeya.

“Iyadoo dadka Soomalaiyeed ay xusayaan sannad-guuradii 1aad ee kasoo wareegtay Heshiiskii 17kii Sebteembar, ayaa saaxiibbada beesha caalamka waxay aad uga walaacsanyihiin in khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uu wiiqi doono xasilloonida Soomaaliya isla markaana uu carqaladayn doono geeddi-socodka doorashada.”

Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay si dhaqso ah u xaliyaan khilaafkooda;

“Waxaan ku boorinaynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay si deg deg ah u xalliyaan khilaafkooda, ayna ka fogaadaan isweydaarsiga qoraalada guud ee aan waxtarka u lahayn bulshada iyo ogeysiisyada hawl wadeenada, ayna dib diiradda u saaraan sidii loo soo gabagabayn lahaa doorashooyinkii waqtigooda dib uga dhacay iyadoo aan dib u dhac kale dhicin.”

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*