Abiy Ahmed ayaa ku faanay awoodda ciidan

RW Itoobiya ee Abiy Ahmed ayaa ku faanay awoodda ciidankiisa ka dib hadal uu isniintii ka jeediyay baarlamaanka , waxa uuna hoosta ka xariiqay in xukuumadiisa  ay si fudud u awoodaan in ay askarayaan in ka badan Hal Malyan oo dagaalyahanno  ah  balse dhankooda ay doonayaan in ay dajiyaan xiisadda gobolka Tigreega taasi oo ay ka dhaceen dagaalo .

Hadalka Abiy Ahmed  ayaa imaanaya todobaad ka dib markii jabhada xoreynta Tigreega  ay dib u qabsadeen magaalada Mekleli ee caasimadda u ah gobolka  xilli Itoobiya ku dhawaaqeen xabad joojin hal dhinac ah ka dib xiisad taagneyd 8 bil

Jabhada Tigreeda waxa ay dib u qabsashada Mekleli ku tilmaameen guul weyn  halka RW Itoobiya iyo xumuuadiisa  tilmaameen  in ciidamadooda ay kala baxeen gobolkaas iyaga oo doonaya in ay diiradda saaaraan caga jugeyn kale oo dhan kale uga furan inkastoo  uusan sheegin

” Hal asbuuc ama laba ayaan ku diyaarin karnaa 100 kun Askari waliba si cajiib ah ayaan u hubeyn karnaa “ayuu Abiy Ahmed ka hor yiri baarlamaanka dalkaas .

intaas kuma uusan joojin” haddii aan u aragno in ciidamada gaarka ah ku filneyn ayna muuqato abahi in maleeshiyaad la hubeeyo , bil ama laba bil ayaan ku keeni karnaa hal milyan iyo bar kooxo hubeysan ah”.

Sidaas oo ay tahay waxa uu RW itoobiya ku dooday in  ay door bideen in xiisadda dajiyaan , waxa ayna arintaan imaaneysa xilli axaddii ay jabadda Tigreeiga xuseen in si kumeel gaar ah xabadda u joojinayaan  balse waxa ay shuruud ka dhigeen in ciidamada erateria  iyo kuw ahmaarada ka baxaan gobolada waqooyoga

Waxa ay jabhada soo jeedisay in Qaramada Midoobay baaritaano ku sameeyaan waxa k dhacay gobolka ayna mas`uuliyadda qaataan RW abiy iyo madaxweynaah Erateria ee Afawerki  balse Abiy Ahmed ma uusan soo hadal qaadin shuruudaan ay jabhadda ku dhagan tahay

Marka laga yimaado xiisadaan , qaramada Midoobay waxa  sheegeen in in ka badan 5 milyan oo qof oo %91 yihiin dadka reer Tigeeria a u bahana yihiin kaalmo bani`aadanimo oo deg deg ah

 

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*