Xildhibaanka Beesha Axmed Faarax Xasan Maxamed Jimcaale oo markale la doortay

Xildhibaanka Beesha AXMED FAARAX ayaa markale ku soo laabtay kuraastii Dowlad Deegaanka Doorashada Hir-Shabeelle. Xildhibaanka ayaa ka mid ahaa Xildhibaanadii hore ee ku matalayay Kuraasta Dowlad Deegaanka  Hir-Shabeelle oo haatan na dib u noqday markale Xildhibaanka Golaha Dowlad Deeganada ee Dowlad Goboleedka Hir-SHabeelle.

Testa oo kumagac dheer Xildhibaanka haatan dib loo doortay ayaa boogaadiyay ergadii dib markale u soo dooratay isaga oo mahad celin gaar ah uga mahad celiyay UGAASKA BEESHA AXMED FAARAX
UGAAS SALAAD UGAAS CALI UGAAS JIMCAALE waxaana uu intaa raaciyay xildhibaanka haatan wixii ka dambeeya inuu u diyaar garoobayo sidii uu uga mid noqon lahaa Golaha Senatka (AQALKA SARE).

Xildhibaan Xasan M Jimcaale ayaa ka mid ah Siyaasiyiinta magaca iyo maqaamka sare ku leh Beesha AXMED FAARAX oo ilaa Tuulada Carta Ee Shirkii dib u heshiinta Soomaaliyeed ka mid ahaa xubinta ugu fir fircoon ee u dhaq dhaqaaqa dhanka Siyaasada.


                                          Xildhibaan Xasan Maxamed Jimacaale ( Testa )

Halkaan Riix Video Qosol Badan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*