Fanaan Seynab Xaaji Cali Siigaale (BAXSAN) oo geeriyootay

Muqdisho (CNN Somali News) – Seynab Xaaji Cali Siigaale oo kumagac dheereed (Baxsan) oo kamid aheyd fanaaniinta hobollada qaranka ee Waaberi ayaa goordhoweyd ku geeriyootay magaalada Muqdisho, sida ay shaacisay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.


Xuquuqda sawirka waxaa iska leh TV Horn Cable

 

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta, Ismaaciil Mukhtaar ayaa geerida Seynab Baxsan, oo aad da’ u aheyd, ku xaqiijiyey qoraal uu soo dhigay bartiisa uu ku leeyahay aalada looyaqaano Twitter-ka.

Seynab ayaa u geeriyootay xanuun ay la dhul dhacday, sida uu sheegay Afhayeenku, inkasta oo ilaa hadda aan faah-faahin rasmiya laga haynin.

“Waxaa hadda isoo gaartay in ay geeriyootay Allaha u naxariisto Seynab Cali Baxsan oo kamid aheyd fanaaniinta hoballada Qaranka ee Waaberi,” ayuu ku yiri qoraalka barta Twitterka.

Baxsan ayaa waxa si weyn loogu xasuustaa heeso kala duwan oo ay qaaday, kuwaasi oo isugu jira Wadani iyo Jaceyl.

Allaha u naxariiste Seynab ayaa kamid aheyd hobolada qiimaha badan ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed, iyada oo muddo badana kamid aheyd fanaaniinta hoballada qaranka.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*