Ahmed Dheere oo Reer SomaliLand oo si cajiib ah uga sheekeeyay

SomaliLand (CNN Somali) Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ‘maamus qaran’ u sameysay Kornayl Axmed Maxamed Xassan (Axmed-dheere) oo kamid ahaa duuliyeyaashii waday diyaaradihii dagaalka ee dowladdii Millateriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre.
Kornayl Axmed Dheere oo dhalasho ahaan kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya ayaa sannadkii 1988-kii diiday inuu qaato amar ahaa inuu diyaaraddii dagaalka ee uu waday ku duqeeyo Magaalada Hargeysa.

Axmed Dheere ayaa xiligaasi ganafka ku dhuftay inuu qeyb ka noqdo xasuuqa dadkii Maatada u badnaa ee ka qaxayey duqaymihii ay ku haysay dowladdii KACAANKA Ee Maxamed Siyaad Barre.
Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa shahaado sharaf ka turjumaysa go’aankii geesinimada lahaa ee uu qaatay iyo kartidiisa guddoonsiiyey Korneyl Axmed Dheere.

Korneyl Axmed Dheere oo hadal ka jeediyay munaasibadaasi, isla markaana ka jawaabayay su’aalo laga weydiiyay go’aankii uu xiligaasi qaatay iyo siduu u arkayay xasuuqaasi ayaa ka waramay siday wax u dhaceen, wuxuuna yiri“Boqolkiiba boqol Xasuuq buu ahaa (wixii ka dhacay Somaliland), keligayna kama War qabo oo Dad badan ayaa ka war qaba arrintaas, diyaaradaha waxa ka tiro badnaa Madaafiicda (lagu garaacayey Hargeysa), laba Habeen baan seexday Hargeysa, xitaa habeennimadii way socdeen Madaafiicdu”.

“Maalintii aan laba Bambo ka qaaday Garoonka ee aan kala baxay halkaa iyo Jabuuti, Magaaladana aan xaaladdeeda ogaa rejo badan ma qabin, haddana Qofka Muslimka ah Rejo kama dhammaato, mar kasta waan aaminsanaa inuu Nasriga Ilaahay imanayo, laakiin wakhtigaa tiiraanyo badan baa niyadayda ku jirtay”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Anigu waxaan joogay Balli-doogle, dagaalka kor ayaan kala socday, waayo? waxa isku xidhnaa Raadiyaha (Ciidanka) ee       Balli-doogle iyo Hargeysa. Wakhtigii u dambaysay maaddaama oo Magaaladii la isla soo galay oo Jabhaddii Magaalada ku jirto waxa loo baahday in Bambooyin la isticmaalo. Diyaaradihii hore halkan u yaallay ma qaadanayn Bambooyin, dabadeed waxa loo yeedhay annaga oo laba ah, laba diyaaradood oo Xamar yaallay oo Bambooyinka qaadi kara ayaa la yidhi qaata (Kexeeya) si loogu isticmaalo Guryaha iyo Meelaha lagu jiro ee la isku qarin karo, sidaas baanu halkan ku nimid Aniga iyo Diyaarad kale, laakiin Anigu intaa xaggaa joogayba go’aankaygu wuxuu ahaa in aanan hawshaas fulin, markii dambana waxa ila fiicnaatay inaan diyaaradda Jabuuti la tago”.

Wuxuuna ugu dambeyntiina Korneylku ka waramay arrimihii uu la kulmay markuu ka degay Jabuuti iyo qaabkii uu uga dhuuntay diyaaradihii kale ee qeybta ka ahaa duqeyntaasi, wuxuuna yiri “Tobankii Subaxnimo ayaanu ka kacnay Garoonka diyaaradaha Hargeysa, waxaanu u kacnay dhinaca galbeedka Magaalada, dabadeedna waxaanu u leexanay dhinac Midig, si aanu Bambooyinka ugu tuurno Magaalada, laakiin anigu markiiba waxaan u jihaystay dhinaca Jabuuti, markaas ayaa la ii yeedhay, laakiin waxaan iska damiyey Raadiyaha”.

“Waxa ii daarmay (Saacadda Shidaalka sheegta) 400 litir markay ka hadhsan tahay waa inaad degtaa, markaa waa inaan Ama diyaaradda ka boodaa ama raadsado meel aan diyaaradda ku dejiyo, waxa Ilaahay ii sakhray inaan arko meel badda iyo berigu isku galaan oo siman, sidaas baan ku degay, kalluumaysto ayaan helay, waxa ka dhawayd Magaalada Tajoora, laakiin Kalluumaysatadii ayaa I keenay Jabuuti, dabadeedna dawladdii Jabuuti si wanaagsan ayay ii soo dhaweeyeen”.

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*